SABUURRADII - Qayb 93

123456789101112131415161718192021222324252627282930313233343536373839404142434445464748495051525354555657585960616263646566676869707172737475767778798081828384858687888990919293949596979899100101102103104105106107108109110111112113114115116117118119120121122123124125126127128129130131132133134135136137138139140141142143144145146147148149150
← Hore Xiga →
1 Rabbigaa taliya, oo wuxuu huwan yahay haybad, Rabbigu waa huwan yahay, oo wuxuu dhexda ku xidhay xoog, Duniduna waxay u dhisan tahay si aan la dhaqaajin karin.
2 Carshigaagu wuxuu dhismay waa hore, Oo adiguna waxaad jirtay tan iyo weligaa.
3 Rabbiyow, webiyadii kor bay u kaceen, Webiyadii codkooday kor u qaadeen, Oo webiyadii waxay kor u qaadeen hirarkoodii.
4 Biyaha badan codkooda, Iyo mawjadaha badda oo waaweynba Waxaa ka sii xoog badan Rabbiga sare.
5 Rabbiyow, markhaatifurkaagu waa hubaal, Oo weligaaba waxaa gurigaaga ku habboon quduusnimo.
← Ku noqo tusmada