SABUURRADII - Qayb 137

123456789101112131415161718192021222324252627282930313233343536373839404142434445464748495051525354555657585960616263646566676869707172737475767778798081828384858687888990919293949596979899100101102103104105106107108109110111112113114115116117118119120121122123124125126127128129130131132133134135136137138139140141142143144145146147148149150
← Hore Xiga →
1 Waxaannu ag fadhiisannay webiyaashii Baabuloon, Oo waannu ooynay markii aannu Siyoon soo xusuusannay.
2 Oo waxaannu kataaradahayagii sudhannay geedaha safsaafkaa.
3 Waayo, kuwii maxaabiis ahaanta noo watay ayaa halkaas gabayo nagu weyddiistay, Oo kuwii na silciyey ayaa farxad na weyddiistay, oo waxay nagu yidhaahdeen, Noogu gabya gabayadii Siyoon midkood.
4 Bal sidee baannu gabaygii Rabbiga ugu gabaynaa Dal qalaad dhexdiis?
5 Yeruusaalemay, haddaan ku illoobo, Gacantayda midig ha illowdo sancadeedii.
6 Carrabkayguna ha ku dhego dhanxanagga afkayga, Haddaanan ku xusuusan, Iyo haddaanan Yeruusaalem ka sii jeclaan Farxaddayda ugu weyn.
7 Rabbiyow, soo xusuuso reer Edom, Kuwaasoo maalintii Yeruusaalem yidhi, Dumiya, dumiya, tan iyo aasaaskeeda.
8 Gabadha Baabuloonay, waa lagu baabbi'in doonaa, Waxaa faraxsanaan doona kii kaa abaalmariya Sidii aad nagu samaysay.
9 Waxaa faraxsanaan doona kii dhallaankaaga qabsada Oo dhagaxa weyn ku dul tuura.
← Ku noqo tusmada