SABUURRADII - Qayb 124

123456789101112131415161718192021222324252627282930313233343536373839404142434445464748495051525354555657585960616263646566676869707172737475767778798081828384858687888990919293949596979899100101102103104105106107108109110111112113114115116117118119120121122123124125126127128129130131132133134135136137138139140141142143144145146147148149150
← Hore Xiga →
1 Haddaan Rabbigu inala jirin Hadda reer binu Israa'iil ha yidhaahdeen,
2 Haddaan Rabbigu inala jirin, Markii dadku inagu kacay,
3 Kolkaasay innagoo noolnool ina wada liqliqi lahaayeen, Markay aad inoogu cadhoodeen,
4 Kolkaasay biyuhu ina qarqin lahaayeen, Durdurna nafteennuu dul mari lahaa,
5 Oo kolkaasay biyaha kibirsanu nafteenna dul mari lahaayeen.
6 Waxaa mahad leh Rabbiga Aan inaga dhigin ugaadh ilkahoodu ay qabsadaan.
7 Nafteennu waxay u baxsatay sida shimbir uga baxsato dabinka shimbirrodabtaha, Dabinkii wuu go'ay, innaguna waynu baxsannay.
8 Caawimaaddeennu waxay ku jirtaa magaca Rabbiga Sameeyey samada iyo dhulkaba.
← Ku noqo tusmada