SABUURRADII - Qayb 12

123456789101112131415161718192021222324252627282930313233343536373839404142434445464748495051525354555657585960616263646566676869707172737475767778798081828384858687888990919293949596979899100101102103104105106107108109110111112113114115116117118119120121122123124125126127128129130131132133134135136137138139140141142143144145146147148149150
← Hore Xiga →
1 Rabbiyow, dadkaaga caawi, waayo, nin cibaado leh waa la waayayaa, Waayo, binu-aadmiga intii aaminka ahayd way ka dhammaadeen.
2 Mid walba deriskiisa wuxuu kula hadlaa been, Oo waxay ku hadlaan bushimo sasabasho miidhan ah iyo laba qalbi.
3 Rabbigu wuxuu wada baabbi'in doonaa bushimaha sasabashada badan oo dhan, Iyo carrabka waxyaalaha waaweyn ku hadlaba.
4 Kuwaasu waxay yidhaahdeen, Annagu waxaan ku adkaan doonnaa carrabkayaga, Oo bushimahayagana annagaa iska leh. Haddaba bal yaa annaga sayid noo ah?
5 Rabbigu wuxuu leeyahay, Anigu haatan waxaan u kacayaa Masaakiinta la dhacayo, iyo kuwa baahan taahiddooda daraaddood, Oo kan ay fudaydsanayaanna waan ammaan gelinayaa.
6 Rabbiga erayadiisu waa erayo daahir ah, Oo waa sida lacag foorno kulul oo dhulka ku taal lagu kala miiray, Oo toddoba jeer la safeeyey.
7 Rabbiyow, waad dhawri doontaa, Oo qarnigan ayaad iyaga ka xannaanayn doontaa weligood.
8 Markii nijaasta binu-aadmiga dhexdiisa lagu jecel yahay, Kuwa sharka lahu waxay ku socdaan dhinac kasta.
← Ku noqo tusmada