SABUURRADII - Qayb 28

123456789101112131415161718192021222324252627282930313233343536373839404142434445464748495051525354555657585960616263646566676869707172737475767778798081828384858687888990919293949596979899100101102103104105106107108109110111112113114115116117118119120121122123124125126127128129130131132133134135136137138139140141142143144145146147148149150
← Hore Xiga →
1 Rabbiyow, adigaan kuu qayshan doonaa, Dhagaxayga weynow, ha iska kay dhega tirin, Waaba intaas oo haddaad iga aamusto, Aan noqdaa sida kuwa yamayska hoos ugu dhaadhaca.
2 Maqal codka baryootankayga markaan kuu qayshado, Oo aan gacmahayga u soo taago xagga meeshaada quduuska ah.
3 Ha ila jiidin kuwa sharka leh, Iyo xumaanfalayaasha Oo deriskooda nabadda kula hadla, Laakiinse belaayadu qalbigooda ku jirto.
4 Iyaga u abaalmari sida shuqulkoodu yahay, iyo sida ay xumaanta falimahoodu tahay, Iyaga u abaalmari sida shuqulka gacmahoodu yahay, Oo waxa ay galabsadaan sii.
5 Iyaga wuu dumin doonaa, mana uu dhisi doono mar dambe, Maxaa yeelay, kama ay fikirin Rabbiga shuqulladiisii Iyo hawshii gacmihiisa toona.
6 Mahad waxaa leh Rabbiga, Maxaa yeelay, codkii baryootankayguu maqlay.
7 Rabbigu waa xooggayga iyo gaashaankayga, Qalbigaygu isaguu isku halleeyey, oo waa lay caawiyey, Sidaas daraaddeed qalbigaygu aad iyo aad buu u reyreeyey, Oo gabaygaygaan isaga ku ammaani doonaa.
8 Rabbigu wuxuu dadkiisa u yahay xoog, Oo kiisa subkanna wuxuu u yahay qalcad lagu badbaado.
9 Dadkaaga badbaadi, oo dhaxalkaagana barakee, Oo weliba quudi, oo weligaaba kor u hay.
← Ku noqo tusmada