SABUURRADII - Qayb 47

123456789101112131415161718192021222324252627282930313233343536373839404142434445464748495051525354555657585960616263646566676869707172737475767778798081828384858687888990919293949596979899100101102103104105106107108109110111112113114115116117118119120121122123124125126127128129130131132133134135136137138139140141142143144145146147148149150
← Hore Xiga →
1 Dadyowga oo dhammow, kulligiin sacabka tuma, Oo Ilaah cod guuleed ugu qayliya.
2 Waayo, Rabbiga ah Ilaaha ugu sarreeya waa cabsi miidhan, Oo isagu waa boqor weyn oo dhulka oo dhan u taliya.
3 Isagu dadyowga wuxuu gelin doonaa hoosteenna, Quruumahana wuxuu ka hoos marin doonaa cagaheenna.
4 Isagu dhaxalkeenna ayuu inoo dooran doonaa, Kaasoo ah ammaanta Yacquub uu jecel yahay. (Selaah)
5 Ilaah qaylo buu la kacay, Oo wuxuu Rabbiguna la kacay dhawaaqa buunka.
6 Ilaah ammaan ugu heesa, ammaan ugu heesa, Ammaan ugu heesa Boqorkeenna, ammaan heesa.
7 Waayo, Ilaah waa dunida oo dhan Boqorkeeda, Haddaba sabuur ammaan ah ku heesa.
8 Ilaah wuxuu u taliyaa quruumaha, Ilaahna carshigiisa quduuska ah ayuu ku fadhiistaa.
9 Dadyowga amiirradoodii oo dhammu waxay isu soo wada urursadeen Inay dadka Ilaaha Ibraahim noqdaan, Waayo, dhulka gaashaammadiisa waxaa iska leh Ilaah. Oo isaga aad iyo aad baa loo sarraysiiyey.
← Ku noqo tusmada