SABUURRADII - Qayb 108

123456789101112131415161718192021222324252627282930313233343536373839404142434445464748495051525354555657585960616263646566676869707172737475767778798081828384858687888990919293949596979899100101102103104105106107108109110111112113114115116117118119120121122123124125126127128129130131132133134135136137138139140141142143144145146147148149150
← Hore Xiga →
1 Ilaahow, qalbigaa ii fadhiya, Waan gabyi doonaa, haah, waxaan kuugu gabyi doonaa ammaantayda.
2 Shareerad iyo kataaradow, toosa, Aroorta hore waan toosi doonaa.
3 Rabbiyow, mahad baan kuugu naqi doonaa dadyowga dhexdooda, Oo waxaan ammaan kuugu gabyi doonaa quruumaha dhexdooda.
4 Waayo, naxariistaadu way ku weyn tahay samooyinka korkooda, Oo runtaaduna waxay gaadhaa ilaa daruuraha.
5 Ilaahow, samooyinka ka sarree, Oo ammaantaaduna dhulka oo dhan ha ka sarrayso,
6 Si ay kuwaad jeceshahay u samatabbaxaan aawadeed, Gacantaada midig ku badbaadi, oo ii jawaab.
7 Ilaah wuxuu ku hadlay quduusnimadiisa oo yidhi, Anigu waan farxi doonaa, Shekem waan kala qaybin doonaa, oo waxaan qiyaasi doonaa dooxada Sukod,
8 Gilecaad anigaa iska leh, Manasehna anigaa iska leh, Oo weliba Efrayimna waa daafacaaddii madaxayga, Yahuudahna waa ushaydii boqornimo.
9 Moo'aab waa weelkaygii aan ku maydhan jiray, Edomna kabahaygaan ku dul tuuri doonaa, Oo Falastiinna waan ku qaylin doonaa.
10 Bal yaa i geeyn doona magaalada deyrka leh? Yaase xagga Edom ii kaxayn doona?
11 Ilaahow, sow nama aadan xoorin? Ilaahow, lama soo baxdid ciidammadayada.
12 Cadowga naga caawi, Waayo, binu-aadmiga caawimaaddiisu waxtar ma leh.
13 Ilaah caawimaaddiisa ayaannu wax xoog leh ku samayn doonnaa, Waayo, isagaa ah kan cadaawayaashayada ku tuman doona.
← Ku noqo tusmada