ISHACYAAH - Qayb 15

123456789101112131415161718192021222324252627282930313233343536373839404142434445464748495051525354555657585960616263646566
← Hore Xiga →
1 Kanu waa warka culus ee Moo'aab ku saabsan. Caartii Moo'aab habeen qudha baa lagu dumiyey oo baabba'shay; Qiirtii Moo'aab habeen qudha baa lagu dumiyey oo baabba'shay.
2 Waxaa kor loogu baxay Bayid iyo Diboon oo meelaha sare ku yaal in lagu ooyo, reer Moo'aab waxay u baroortaan Neboo iyo Meedebaa, madaxyadooda oo dhan waa la xiiray oo gadh kastana waa la jaray.
3 Jidadkooda waxaa lagu guntadaa dhar joonyad ah, oo guryahooda dushooda iyo jidadkooda ayaa mid kastaaba ka baroortaa isagoo aad u ooyaya.
4 Oo Xeshboon iyo Elecaaleehba way qayliyaan, oo codkoodana waxaa laga maqlaa tan iyo Yahas, sidaas daraaddeed ragga hubka leh ee Moo'aab aad bay u qayliyaan, oo cabsi bay la gariiraan.
5 Qalbigaygu wuxuu u ooyaa reer Moo'aab, kuwoodii qaxay waxay u cararaan tan iyo Socar iyo ilaa Ceglad Shelishiyaah, waayo, oohin bay la fuulaan jiirta Luxiid, oo jidka Xororayimna waxay kor ugu qaadaan qaylo baabba'eed.
6 Waayo, biyaha Nimriim baabba' bay noqon doonaan, cawskiina wuu engegay, biqilkiina wuu qallalay, oo wax cagaar ahna innaba lama arko.
7 Sidaas daraaddeed maalkii badnaa ee ay urursadeen iyo wixii ay kaydsadeenba waxay u qaadan doonaan durdurka geedaha safsaafka ah.
8 Waayo, qayladii waxay gaadhay soohdimaha Moo'aab ku wareegsan, baroortoodii waxay gaadhay tan iyo Eglayim, oo baroortoodiina waxay gaadhay tan iyo Bi'ir Eelim.
9 Biyaha Diimoon dhiig baa ka buuxa, weliba waxaan Diimoon ku keeni doonaa belaayo kale, kan Moo'aab ka baxsaday iyo kuwa dalka ku hadhayba libaax baan ku diri doonaa.
← Ku noqo tusmada