ESTEER - Qayb 10

12345678910
← Hore Xiga →
1 Markaasaa Boqor Ahashwerus wuxuu baad saaray dhulkii iyo gasiiradihii baddaba.
2 Oo falimihii uu xooggiisii iyo itaalkiisii ku sameeyey oo dhan, iyo warkii Mordekay weynaantiisii uu boqorku isaga u sara mariyey sow kuma wada qornayn buuggii taariikhda oo boqorradii Maaday iyo Faaris?
3 Haddaba Yuhuudigii Mordekay ahaa wuxuu ahaa ninkii ku xigay Boqor Ahashwerus, oo xagga Yuhuuddana wuxuu ahaa nin weyn, oo walaalihiisa badanuna way aqbaleen; oo wuxuuna ahaa nin doondoonaa wanaagga dadkiisa oo nabaadiino kula hadla farcankiisa oo dhan.
← Ku noqo tusmada